computer science vs IT, farqiga u dhaxeeya
Haddii aad tahay qof jecel technologyada oo rabo inuu barto wax ku saabsan Technology Waxaa muhiim ah inaad fahmto farqiga u dhexeeya Computer Science (CS) iyo Information Technology (IT), kuwaas oo ah laba takhasus oo ku siinaya aqoonta iyo xirfadaha aad u baahan tahay si aad guul uga gaadho dhinaca tignoolajiyada.
Qodobada aan uga hadli doono article-kaan:
Waa maxay Computer Science?
Farqiga u dhaxeeya computer science iyo IT.
Waa maxay computer science?
Computer Science waa barashada computerada iyo xisaabinta, sidoo kale barashada algorithmics ka, hardware ka iyo software ka iyo isticmaalkooda.
Dadka computer science barto waxay design gareeyaan sidoo kalena ay dhisaan software programs ama applicationada barnaamijyada uu computer ku ku shaqeeyo kuwaas oo ah kuwo dadka IT-ga ay isticmaalaan.
Computer scientistuhu waa qof mechanic oo kale ah maxaa yeelay wuxuu yaqaanaa sida uu computer ka uu u shaqeeyo hardware kiisa iyo software kiisa.
Waa maxay IT?
Waa barashada, hormarinta iyo howlgalinta technologyada lala isticmaalo computerada.
Waxaa lagu bartaa sidii technologyada loogu xalin lahaa shaqooyinka la xiriiro business ka iyo sidii ay shaqooyinka u fududeen laheyd.
Sidoo kale IT waa barashada isticmaalka computer systems ka oo ay ku jiraan hardware iyo software si loo maareeyo xog.
meesha ugu fiican aad ka baran karto hab online ah Freecodecamp iyo sidoo kale Udemy.
Farqiga u dhaxeeya computer science iyo IT
Haddii aan kuusoo koobo farqiga waa
computer Science waxaa ku badan xisaabta iyo physics
Waxay wadaagaan programming ka
computer science problem solving ayaa lagu bartaa
Computer science iyo Information Technology(IT) Farqi badan uma dhaxeeyo oo labadooduba waxay la xiriiraan barashada computer-ka, Waxayna hoos yimaadaan hal xayndaab, laakiin waxaa kala duwan mid walbo wuxuu diirada ama focus ka saaro.
Farqiga u dhaxeeya labadooda waxaan u kala qaadi doonaa labo qodob:
Coursooyinka ama maadooyinka lagu qaato
Xirfadaha shaqo
Coursooyinka lagu kala qaato labadooda
Farqiga u dhaxeeya labadooda waxaa inta badan ka fahmi kartaa maadooyinka lagu qaato labadooda, tusaale ahaan Computer science ka waxaa lagu qaataa xisaab aad u heer sareysa iyo physics kuwaas oo inta badan aan lagu dhigin IT. sidoo kale maadooyin ay isku mid yihiin ayaa jira sida Programming ka iyo kuwo kale.
maadooyinka lagu qaato computer science
Programming:
Math: sida Calculas, Statistics iyo Algebra
Physics
Data structures
Algorithms
Iyo sidoo kale coursooyin kale oo badan.
maadooyinka lagu qaato IT
Programming: inta ka aqriso waa maxay ●programming
●Computer networks
●Computer hardwares
●Data Entry apps: sida Word, Excel iwm.
●Networking
●Cyber security
Xirfadaha shaqo
Waxaa jiro shaqooyin ay iskaga mid yihiin computer science iyo IT sida Web development iyo Software development sidoo kalena waxaa jiro shaqooyin badan oo ay ku kala duwan yihiin.
Computer Science (cs)
Vs (IT) Infromation Technology
Software Engineer . .Software developer
Web developer. .Web developer
Robotics Engineer Cyber security specialist
Data Scientist Cloud Engineer
Artificial Intelligence Engineer Network Admistrator
Web developer Web developer
Security Analyst Database Adminstrator
conclusion
Guud ahaan, computer science wuxuu ku lug leeyahay naqshadayta iyo dhisada computerada iyo software-da ama programyada computerka. dhanka kale IT waxay ku lug leedahay joogtaynta iyo cilad bixinta computers ka sidoo kale network installations ka iyo databases ka iwm. Waxaan rajaynaa inaad fahamtay farqiga u dhaxeeya computer science iyo IT.
COMPUTER SCIENCE & IT FARQIKA UDHAXEEYA
BYK3SOM
-
0
Post a Comment