SAMEE INTAAN HADII AAD JAMACAD BILAABEYSO

 QODOBO MUHIIMA AH IN AAD FAHANTO INTA AADAN BILAAWIN JAMACADA

1. Qaado go'aan dhab ah oo dooqo jaamacadda aad jeceshahay iyo kuliyadda aad ku hamineyso, oo ha noqonin qof maalinba jaamacad loo amaano oo u badasha jaamacad cusub ama kuliyad cusub. 

2. Jaamacadda ma ahan meel kaftan iyo cayaar loosoo aado, waa marxalad muhiin u ah mustaqbalkaaga nololeed..

Ku dadaal sidi aa uga bixi laheyd adigoo keenay dhibco sare aqoon ahaanna aad u dhisan si aa u hesho shaqooyin u qalma aqoontaada.

3. Jaamacadda waa meel ka adag iskuulka, waxaana isugu imaanaya dad kala magaalo ah kala dhaqan ah ama ka yimi wadamo kala duwan waxayna u baahantahay la dhaqan wanaagsan iyo firfircooni iyo bashaashnimo.

4. Raac shuruudaha jaamacadda u degsan oo waligaa ha isku dayin inaa kasoo horjeesato shuruudahaas. 

5. Lacagaha simistarka iyo imtixaanaadka ku bixi waqtigooda oo haka dib dhicin waligaa si aad uga fogaato ganaax iyo lacago dheeri ah.

6. Mar walba kasoo hormar macalinka ku qoran xisada koobaad oo ha noqon arday soo daah badan si aaney muxaadarooyinka iyo casharada kuu dhaafin,.kuna dadaal inaa safka hore fadhiisato si uu fahamkaaga u siyaado ood macalinka ula socoto, oo aamus intaa fasalka ku jiro mobilkana miisaka iska saar. 

7. Soo gado buugaagta jaamacadda oo yeelo buugaag note ah oo ku qorato macluumaadka uu macalinku bixinayo iyo jawaabaha su'aalaha laguu diray sidoo kale soo degso applicationada lagu note gareysto waqtiyada aad waxbaraneyso iyo waqtiyada examka .

8. Waxaa heli doontaa waqtiyo badan ood firaaqo tahay ood dub uga shalaayn doonto haddaadan ka faa'iideysan, ku buuxi waqtigaa firaaqada tahay wax aqrin, oo cashar waliba intuu cusub yaha fahan oo xifdi. 

9. Haddaa noqoneyso arday kaligii meel degen ama ama qaraabada la degen, waxaa baraneysaa sidaa naftaada mas'uul uga noqon laheyd, sidiaa lacagta lagu siiyo u maamuli laheyd, iyo sidaa qolkaaga dharkaaga iyo noloshaada u habeysan laheyd waana tijaabo aad u fiican oo aad dheertahay ardayda familkooda la nool. 

10. Iskajir waligaa inaa maaddo ku dhacdo, kana fogoow ardayda aan waxba aqrinin ee caajiska badan. 

11. Iska jir inaa ku afceliso macalin ama la dagaasho arday waayo jaamacadda ma ahan meel lagusoo bandhigo geesinimadaada iyo xoogaaga.

12. Jaamacadda ma ahan meel tiktok lagu duubo ama status snap ama sawiro maalinle ah ah lagu galo 

13. Jaamacadda ma ahan meel quruxda leyskugu faano ama dharka lagu xayeysiiyo ama lagusoo bandhigo lugo cadcad iyo kub feydan, ixtiraam in ay jiraan gabdho duruufo badani ay haystaan oo la daalaa dhacaya lacagti jaamacadda, so iska yaree faanka iyo isqurxinta saa'idka ah. 

14. Waqtigaaga nidaami oo jadwal sameyso oo ogoow hadafkaaga in uu yahay waxbarasho, kuna dadaal sidi aa wax ku fahmi laheyd oo cilmiga lagu barayo uu maskaxdaada u gali lahaa si uusan kaaga lumin markaa jaamacadda dhameyso.

15. Ugu dambeyn jaamacadda ma ahan meel lagu jilo jaceyl oo qof walba lamaanahiisa uu ka raadiyo ee waa meel waxbarasho oo karti iyo aqoon lagu tartamo oo shahaado laga qaato, sidaa awgeed sumcaddaada ilaasho iska daa cayaarta iyo waqti lumiska.

GUNAANAD

HADII AAD XISEYNEYSO BARASHADA XIRFADO CUSUB WEBSITEKA WAA WENSITEKAGA NASIIB WACAN

Post a Comment

Post a Comment (0)

Previous Post Next Post