SIDEE SHAQO LOO HELAA


 Sidee Waqti kooban Shaqo loogu helaa?


Akhtiste madooneysaa inaad waqti kooban shaqo ku hesho? haddii Jawaabtu tahay HAA, fadlan 9kaan qodob sahay ka dhigo. 


1. Baro hal ama labo Xirfad oo kuu gaara oo weliba suuqa qiimo ka leh.


2. Iib geey xirfadaada oo baro sida loo qoro CV, Codsiga shaqada iyo Waraysiga tooska ah. 


3. Suuqa shaqada waxa aad taqaan waxaa ka fursad fiican inta qof ee aad taqaan, sidaas daraadeed horumari xiriirka aad la leedahay bulshada gaar ahaan dadka shaqeeya iyo shaqo bixiyaasha. 


4. Codso shaqo kooban oo aqbal jago hoose ama inaad bilaash ku shaqeyso, kadibna muuji waxtarkaaga iyo waxa aad mudan tahay. ogowna korniimada qofka waxaa asaas u ah oo aan laga boodi karin barbaarinta.


5. Sida aad u jeeb xun tahay ha u labis xumaan, waayo Hugaagu waa kula shirtagaa. 


6. Udheg lahow oo si dhow ugu xirnow goobaha lasoo geliyo shaqooyinka banaan sida; Linkdlin, Facebook, Somali jobs, Puntland post, Hiiraan online, Joornaalada, Boorarka ama Website-yada shirkadaha waaweyn iyo Idaacadaha maxiga ah. 


7. Shaqo bixiyaasho xirfada qof waxay ka jecel yihiin daacadnimada, dabeecadda iyo habdhaqanka wanaagsan. had iyo jeer dadka kula dhaqan anshax iyo qadarin. 


8. Ubaro luuqadaha suuqa shaqada si heer sare ah sida; Soomaaliga, Carabiga iyo English-ka oo luuqaddu yeysan shaqo aad qaban karto kaa hor istaagin.


9. Sahaydaada rasmiga ah ha noqoto Istiqfaarta iyo 5nta Salaadood oo aad Jamaacaadka ku tukato, waayo Risiqa waxaa lagu helaa oo uu ku siyaadaa Rabbi ku xirnaanshaha.


Fadlan la wadaag Asxaabtaada, fikarkaagana hoos noogu reeb.



2 Comments

Post a Comment

Post a Comment

Previous Post Next Post