WAA MAXAY FREELANCING
Freelancing waa in aad si madax banaan u shaqeysatid intii aad u shaqeyn lahayd qof kale. Markan ka fiirinayo dhanka dhaqaalaha, dadka waxey aad waayahan oga hadlaan freelancing-nimada si xad dhaaf ah . Cilmi-baaris ay sameeyeen shirkadaha caanka ku ah Freelancing-nimada, waxey sheegeen in 85 Million oo ku nool dafaha dunida ay qabteen shaqadan sanadkii 2021.
SIDEE LA ISKU DIWAAN GALIYAA ?
Waa fudeed, waxaa boqoneysaa website-yada ay ka mid yihiin, Fiverr.com , Upwork.com iyo Freelancing.com .
Kadibna waad iska diwaangalineysaa sidoo kalana ku qoreysaa shaqada aad qabaneysid. Video-gan daawo oo aan ku sharaxayo
MAXEY DADKA U NOQDAAN FREELANCER ?
Freelancing-ka wuxuu ku siinayaa xoriyad dhanka waqtiga ah. Waxaa dooran kartaa xiliga aad rabtid in aad shaqada qabatid, sidoo kale waxaa dooran kartaa marka hore nooca shaqada aad qabaneysid iyo macmiilka aad rabtid in aad u shaqeysid. Marka aad tahey freelancer adaa madaxweyne isku ah.
SIDEE BEY U SHAQEEYAAN FREELANCERS-KA?
Freelancers-ka waxey lacagtooda helayaan markii shaqada loo direy ay soo qabtaan.Tusaale, qof baa u dirsatey in uu kuu sameeyo website, markuu website-ka kuu sameeyo oo shaqada dhameeyo, adna lacagta siineysaa.
Sidoo kale heshiiska waxaa ku jiro, intaa maalmood uu shaqada kugu dhameenayo iyo qiimaha uu shaqada kugu qabanayo.
SHAQOOYINKA LOOGA SHAQEYSTO FREELANCING-KA
⦁ Graphic Design
⦁ Copywriting
⦁ Content Writing
⦁ Ecommerce Website Development
⦁ Web Development
⦁ Web Design
⦁ Accounting
IYO KAWA KLE OO FARA BADAN
LACAGTA LAGA HELO FREELANCING-KA
Waxey ku xiran tahey lacagta aad helaysid nooca shaqo ee aad qabaneysid lkn saacadii waxaa ku shaqeyn kartaa $20 ilaa $35.
Waxaa macquul ah in ay bishii kaasoo gasho lacag dhan $100 ilaa $500.
GUNAANAD
WAXAAN TALO AHAAN KU SINAYAA, ONLINE BUSINESS-KA WUXU U BAAHAN YAHEY DADAAL IYO DULQAAD GAAR AHAAN MARKUU CUSUB YAHAY.
Post a Comment